Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkada Dahabshiil oo kaalinta kowaad kaga jirta qaadhaan bixinta  suuqa Waaheen

Recommended Posts

Deeq A.   

dahabshiil-logo-300x192.png

Shirkada Dahabshiil oo kaalinta kowaad kaga jirta qaadhaan bixinta  suuqa Waaheen

Shirkada Dahabshiil oo ka mid ah shirkadaha caalamiga ah ee ka soo unkamay Somaliland hase ahaatee ka hawl gasha caalmka, iyo siiba gobolka geeska Afrika ayaa ka mid ahayd shirkadihii ama ganacsadayaashii dhawaan 8 milyan ee dollar ugu yaboohay dib u dhiska suuqa Hargeysa ee dhawaan ku gubtay xagaasi.

Lacagta shirkad ahaan ugu badan waxa ku yaboohday shirkada Dahabshiil  inkasta oo dhamaan ganacsatada reer Somaliland ee kulankii madaxweynaha la yeelatay ay mid walba wax ku yabooheen taasi oo tirada ama xisaabta guud ee la ururiyay ay tagtay 8 milyan oo dollar.

Gudoomiyaha shirkada Dahabshiil Group- ganacsade Cabdirashiid Dahabshiil ayaa si dareen leh u garab istaagay ganacsatadii ay alaabta iyo hantiduba kaga gubatay suuqa Waaheen waxana uu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay iyagu qaadhaan ahaan ugu sareeyaan qaadhaan ka loogu yaboohay suuqa Waaheen waxana uu ku cel celiyay in ay mar walba garab taaganyihiin walaaladood.

Waxana uu ku booriyay in gacmaha la is qabsado oo la wada shaqeeyo si looga baxo wakhtiga adag, taasi oo uu sheegay in suuqii Waaheen oo ka balaadhani uu dib u soo noqon doono si dhakhso ah

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this