Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Maxkamadda Sare ka tiri qaadista dacwadaha doorashada xilli FAHAD uu dacwad ka gudbiyey FEIT?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Fahad Yaasiin u gudbiyay dacwad ka dhan ah go’aamada guddiga FEIT maxkamadda sare ayaa waxaa soo baxaysay hadal hayn badan oo ka dhalatay in maxkamadda ay qaadi karto dacwado la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Doodda ugu weyn ayaa aheyd in Maxkamadda aysan qaadi karin dacwadaha doorashada, maadaama doorashadan ay tahay mid dadban oo ku dhisan heshiis ay wada gaareen maamullada dalka ka jira iyo dowladda federaalka.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa bishii July 2021 sheegay in Maxkamadda ay awood u leedahay ka garnaqa dacwad kasta oo ka dhalata doorashooyinka, kadib marka lagu qanci waayo go’aamada kasoo baxa guddiyada ku shaqada leh.

“Marka ay billowdaan doorashooyinka go’aan kasta oo soo saaran guddiyada waa kuwa maamul oo waxaa cabasho looga qaadan karaa maxkamadda sare ee dalka waxay diyaar u tahay ka garnaqa cabasho kasta oo ka dhalata go’aanada maamul ee gaareen guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan,” ayuu yiri guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa su’aasha ka dhalatay dacwada uu gudbiyay Fahad, kadib markii uu ka biyo diiday go’aamada guddiga FEIT oo ayagu go’aamiyay dib ku noqoshada kursiga uu ku guuleystay ee HOP#086.

Tallaabada Fahad ayaa sida la fahamsan yahay timid kadib markii ay kasoo xirmeen albaabadii kale, si loogu fasaxo kursigiisa oo la sheegay in uusan marin habraaci saxda ahaa ee doorashada.

Si dhab ah looma oga sida ay u wajahi doonto maxkamadda dacwadaan uu gudbiyay Fahad, hase yeeshe waxa marnaba shaki ku jirin in uusan kasoo bixi doonin go’aan lidi ku ah saaxiibka Farmaajo.

The post Maxay Maxkamadda Sare ka tiri qaadista dacwadaha doorashada xilli FAHAD uu dacwad ka gudbiyey FEIT? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this