Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Midowga Musharaxiinta oo digniin culus kasoo saaray 12-ka April

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta oo goordhoweyd soo saaray war-saxaafadeed ayaa waxa uu ka digay in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed, sida uu kal hore sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Golaha ayaa cadeeyay in xuska 12-ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in umadda u dabaal-degto, isaga oo ciidamada xooga dalka ugu hambalyeeyay munaasibada aasaaskooda oo ku beegan maalinta berri ah.

Waxa uu soo jeediyay in hantida iyo qarashka lagu bixinayo dabaal-degga badankeeda loo weeciyo taakulaynta dadka tabaaleysan ee la daala dhacaya afur la’aanta bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Si looga baaqsado magaalada oo la xiro, isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo la joojiyo iyo in la xanibo xoogsata la diriraysa nolosha maalinlaha ah, in sidii ay horey u ahaan jirtay dabaal-dega lagu ekeeyo taliska ciidanka iyo xaruntiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Golaha ayaa wuxuu ciidanka uga digay inay qeyb ka noqdaan ama fuliyaan ajandaha guracan ee la damacsan yahay in lagu carqaladeeyo dhaarta xildhibaanada oo loo mudeeyay 14-ka April ee 2022-ka.

Ugu dambeyntiina wuxuu Goluhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda, madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamkaba in si isku mid ah looga horyimaado cid kasta oo isku deyda carqaladaynta dhameystirka hawlaha doorashooyinka dalka.

278154848_537659714588929_71078949891398 278123303_537659711255596_66175802597900

The post DEG DEG: Midowga Musharaxiinta oo digniin culus kasoo saaray 12-ka April appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this