Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaabka Cusub ee Ruushka u weerari Doono Gobollada Bariga Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaabka Cusub ee Ruushka u weerari Doono Gobollada Bariga Ukraine

Askari Ukraine u dhashay oo difaac kaga jira Kharkiv
Askari Ukraine u dhashay oo difaac kaga jira Kharkiv

Colaadda Ukraine ayaa u wareegtay bariga dalkaas, iyadoo ciidamada waddankaas ay isu u jiheysteen iska caabinta Ruushka.

Khubarada milateri ayaa rumaysan in ciidanka ugu tayada badan Ukraine uu ku sugan yahay furimaha cusub, halkaasna ay ka sameysteen difaacyo adag.

Ilaa iyo haatan, ciidamada Ukraine ayaa si aan la fileyn isaga caabiyay duullaanka Ruushka, balse waxaa dhici karta in loogu awood sheegtay bariga dalkaas, maadaama ay xukuumadda Moscow ciidamo badan soo gelisay dagaalka.

Aagagga ugu adag ee lagu dagaallami karo

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay hadda xoogga saari doonaan “xorreynta gebi ahaanba” Donbas oo la isku yiraahdo gobollada bari ee Luhansk iyo Donetsk.

Hase yeeshee dhulkaas ayaa ah mid aanay si sahlan ku qabsan karin ciidamada Ruushka.

Waa dhul bannaan u badan oo ay adag tahay inay ku dagaallamaan ciidamada duullaanka ah, halka kuwa Ukraine ay sii dhisteen difaacyo adag.

Sida uu sheegay mac-hadka daraasaadka dagaallada (ISW), dagaalka Slovyansk ayaa ah kan hadda ugu muhiimsan.

Haddii ciidamada Ruushka ee ka soo dhaqaaqay Izyum ay gacanta ku dhigaan magaaladaas, waxay u gudbi karaan dhanka magaalada bari ee Rubizhne si ay u hareereeyaan xooggaga halkaa ku sugan.

Haddii ay Mariupol gacanta u gasho Ruushka, waxaa Moscow u sahlanaan doonta inay ciidan dheeraad ah u dirto deegaannada galbeedka ka xiga Donetsk.

Diyaargarowga ciidamada Ukraine

Ben Barry oo ah sarkaal hawlgab ah kana tirsan mac-hadka caalamiga ah ee daraasaadka istaraatiijiga ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay sanado badan isu diyaarinayeen iska caabinta Ruushka.

“Ma aha dufaysyo la mid ah kuwii dagaalkii koobaad ee dunida, balse ciidamada Ukraine waxay qalcado xooggan u sameeyeen magaalooyinka iyo deegaannada ay difaacayaan,” ayuu yiri Barry.

Gawaariga gaashaaman ee Ukraine ayaa lagu qariyay goobo ay adag tahay in lagu beegsado, halka inta badan ciidamada Ukraine ee ka dagaallamaya bariga ay leeyihiin khibrad ciidan, oo tan iyo 2014 ay dagaal kula jireen xooggaga gooni u goosadka ah ee uu Ruushka baritaaro.

Waxaa sidoo kale caawin kara haddii taliyayaasha Ukraine ay furimahaas u diraan ciidanka difaacayay Kyiv, maadaama aanay hadda caasimadda wajahayn khatar xooggan.

Askari Ukraine u dhashay oo ku sugan aagga Luhansk
Askari Ukraine u dhashay oo ku sugan aagga Luhansk

Qaabka uu ekaan karo weerarka Ruushka

Barry ayaa rumaysan in Ruushka uu adeegsan doono madaafiicda goobta iyo duqeymaha cirka si uu u jebiyo difaaca Ukraine, kadibna uu diri doono ciidankiisa dhulka. Haddii uusan Ruushka adeegsan madaafiicda, waxaa ciidankiisa dhulka ku adkaan karta inay jebiyaan difaacyada Ukraine.

Ruushka ayaa haysta madaafiic awood badan oo uu u adeegsan karo furimaha cusub, waxaana kamid ah:

Madaafiicda MSTA-S, BM-21 iyo TOS 1A

MSTA-S waa madfac u eg kaaraha, oo hubkiisu uu marka hore hawada ku baxo kadibna haleelo bartilmaameedka lagu riday. Waa mid si weyn u gaashaaman, isla markaana ku durdurin kara furimaha dagaalka.

BM-21 waa mid madaafiicda darandoori u rida, labaatankii ilbiriqsina ay ka dhacaan 40 madfac. Waa hubka uu Ruushka ku burburiyay magaalooyinka Kharkiv, Mariupol iyo kuwo kale.

TOS 1A ayaa ah hubka ugu khatarta badan, waana mid sida duruuro holoc ah uga soo daata hawada.

Samuel Cranny-Evans, oo ka tirsan Royal United Services Institute, ayaa sheegay in hubkaas loogu talogalay dagaalka magaalooyinka, maadaama madaafiicdaas ay burburin karaan dhismayaasha dhulka hoostiisa ah.

Haddii Ruushka uu jebiyo difaacyada adag ee Ukraine, waxa uu markaas adeegsan karaa ciidamadiisa lugta iyo gawaarida gaashaaman si uu isugu ballaariyo guud ahaan dalka.

Wasiirka arrimaha dibedda Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa sheegay in dagaalka soo socda uu dadka “xusuusin doono waayihii dagaalkii labaad ee dunida”.

Maxaa celin kara Ruushka?

Khubarada ayaa sheegaya in aanay weli caddeyn in Ruushka uu xal u helay caqabadihii saadka ee ay wajaheen ciidamadiisa todobaadyadii ugu horreeyay ee duullaanka.

Ciidamada soo duulay ayaa waxaa ka go’an shidaalka, raashinka, biyaha iyo agabka asaasiga ah, sida dharka dhaxanta.

“Muhiimaddu waa in tababar, niyad iyo hogaan wanaagsan ay helaan ciidamada Ruushka oo aan guul ka gaarin dagaalkii Kyiv. Ma hubo inay cashar ka barteen wixii ku dhacay,” ayuu yiri Barry.

Wararka ayaa sheegay in Ruushka dagaalka uu ku waayay qalab milateri oo aad u tiro badan, taasi oo aan la ogeyn sida ay u saameyn karto duullaanka cusub.

Taangi Ruushku leeyahay oo lagu burburiyay meel u dhaw Kharkiv
Taangi Ruushku leeyahay oo lagu burburiyay meel u dhaw Kharkiv

Oryx, oo ah website si furan u qiimeeya arrimaha milateriga, ayaa sheegay in Ruushka uu dagaalka ku waayay in ka badan 400 oo taangi, 20 diyaaradaha dagaalka, 32 helikobtar iyo boqolaal ah gawaarida gaashaaman.

Ukraine ayaa sidoo kale khasaaro kala kulantay dagaalka, in kastoo ay ka yartahay tan Ruushka.

Haddii uu dagaalka sii socdo, hubka reer galbeedka ay siinayaan Ukraine-na uu ku ekaado kuwa difaaca, waxaa suuragal ah in Moscow ay yeelato gacanta sare.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this