Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin meydadkooda laga helay xeebaha dalka Tunisia

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta waddanka Tunisia ayaa sheegay in xeebaha dalkaas laga helay meydadka 13 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan lix haween ah iyo lix caruur ah.

Muhaajiriintan ayaa dhamaantood ka yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya, waxaana ay la socdeen labo doomood, sida laga soo xigtay saraakiisa Tunisia.

Tunisia iyo dalka ay deriska yihiin ee Liibiya ayaa ah meelaha muhiimka ah ee ay ka dhoofaan muhaajiriinta doonaya in ay gaaraan xeebaha Yurub.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 1,300 oo muhaajiriin ah ay ku qaraqmeen ama lagu waayay bartamaha Mediterranean-ka sanadkii 2021-kii.

PUNTLAND POST

The post Muhaajiriin meydadkooda laga helay xeebaha dalka Tunisia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this