Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasho si weyn indha loogu hayo oo ka dhacaysa magaalada Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   
qof-iyo-cod.jpg?resize=660%2C415&ssl=1

Doorasho si weyn indhaha loogu hayo ayaa lagu wadaa in ay Isniinta berriya ka dhacdo magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Golaha degaanka cusub ee degmada Qardho oo ku soo baxay doorashadii qof iyo cod ee dhacday 25 October 2021 ayaa dooranaya guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Golaha degaanka Qardho oo ka kooban 33 xubnood waxaa aqlabiyadda ku guulaystay ururada mucaaradka ee SINCAD iyo Mideeye oo samaystay isbahaysi adag islamarkaana haysta 20 kursi.

Urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah ayaa haysta 12 kursi waxaa isna  hal kursi oo ku soo baxay urur siyaasadeedka Ifiye.

Duqa degmada Qardho waxa u sharraxan Cabdi Siciid Qaal oo ka socda urur siyaasadeedka Mideeye iyo Maxamed Faarax  Buraale oo ka socda urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah.

Maxamed Faarax Buraale hadda waa guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee degmada Qardho kadib markii madaxweyne Deni xilkaas u magacaabay 12 September 2021.

PUNTLAND POST

The post Doorasho si weyn indha loogu hayo oo ka dhacaysa magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this