Sign in to follow this  
Deeq A.

Muslimiinta reer Ukraine oo sheegay in Ramadaanta sanadkani tahay mid xanuun badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muslimiinta reer Ukraine oo sheegay in Ramadaanta sanadkani tahay mid xanuun badan

Dumar badan oo ku kulmay goob ay ku af-furayaan
Dumar badan oo ku kulmay goob ay ku af-furayaan

“Marka kasta oo aad maqasho dhawaaqa ka diga duqeymaha oo weliba aad aragto dugsiyada waxbarashada ee burburay, isbitallaada iyo guryaha burburay, markaa , xaaladda caadi ma ahan” ayay tiri Niyara Mamutova oo kamid ah muslimiinta reer Ukraine.

“Waan xanuunsadaa marka aan arko meydadka iyo guryaha gubtay, arrin murugo leh, Ramadaankani waa mid xanuun badan”

Niyara waxay kasoo jeeddaa qowmiyadda Tataarka ee degta waqooyiga Crimea, waxay kasoo qaxday halkaas ka dib markii Ruushku uu qabsaday 2014. waxay isku aragti yihiin haweeney kale oo Muslim ah oo reer Ukraine ah, Viktoria Nesterenko taas oo kasoo jeedda caasimadda Kiev.

Haweenkan ayaa BBC-da uga warramay sida ay ula tacaalayaan caqabadaha soo wajaha bisha Ramadaan xilli ay ku sugan yihiin aagga dagaalka.

‘Waxaad dareemayaa murugo’

“Sawirrada muuqaallada argagaxa leh ee dagaalka ayaa si joogta maskaxdeyda uga dhax guuxayaa” ayay tiri Viktoria.

“Dad badan oo ay kamid yihiin carruur ayay ciidamada Ruushka ku dileen meel u dhaw Kiev, Ramadaanka ma dareemayo wax wanaagsan, waxaan dareemayaa muerugo”

Viktoria Nesterenko oo la taagan sarkaal ka tirsan militeriga Ukraine
Viktoria Nesterenko oo la taagan sarkaal ka tirsan militeriga Ukraine

Tiro yar oo kamid ah shacabka Ukraine ayaa heystaa diinta Islaamka, boqolkiiba 1% ayay ka yihiin bulshada dalkaas.

Muslimiinta reer Ukraine ayaa si weyn u sugayay bisha barakeysan ee Ramadaan kadib markii labadii sano ee lasoo dhaafay uu saameeyay cudurka Karoona, Dagaalku wuxuu burburiyay qorshahoodii sanadkan.

“Waxaa aad u adag sidii aad u ilaalin laheyd naftaada gaar ahaan akhlaaqda iyo in aad cibaadeysato, waxaan u baahanahay inaan akhriyo qur’aanka kariimka ah oo aan waqti ku bixiyo cibaadada, aad ayay u adagtahay in diirada la saaro salaadaha, sababtoo ah walaac iyo daal ayaan dareemeynaa” ayay tiri Viktoria.

Niyara waxaay nuujinaysaa gabadheeda yar, sidaa awgeed ma soonto, laakiin Viktoria wey soontaa, labaduba waxay u arkaan inay adag tahay in la cibaadeysto bishan Ramadaan.

“Dabcan waxaan helnaa waqti aan ku tukano. Inta lagu jiro dagaalka xoogaa tanaasulaad ah ayaa naloo ogol yahay. Salaadda waa la isku dari karaa-Sidaas ayaan ku gudan karnaa waajibaadkeena diineed,” ayay raacisay.

‘Ma jirto goob ammaan ah’

Siddeeddii sano ee la soo dhaafay, Niyara waxa ay ku noolayd magaalada dhacda koonfurta-bari ee Zaporizhzhia, waxay maamushaa hay’ad aan dowli aheyn oo ku howlan wacyigelinta iyo ka hortagga fikradaha khaldan ee laga aaminsan yahay muslimiinta.

Niyara Mamutova iyo carruuteeda afarta ah
Niyara Mamutova iyo carruuteeda afarta ah

Wuxuu dagaalka bilowday saddex toddobaad uun kadib markii uu dhashay canugeedi afaraad xilli ay qoyska ka fikirayeen isku diyaarinta bisha Ramadaan.

“Aad ayaan u naxay markii uu gantaal kusoo dhacay garoonka diyaaradaha, markii uu gubtay keydka shidaalka..ciidamada Ruushka ayaa ku soo dhawaaday magaalada. Markaa waxaan go’aansanay inaan ka baxno.”

Niyara qoyskeeda mar kale ayay qaxeen, haatan waxay u guureen dhinaca magaalada Chernivtsi ee galbeedka Ukraine si ay u badbaadaan, waxay si weyn uga walaacsaneyd xaaladda carruurteeda.

Xusuus

Masaajida Ukraine waxaa ku sugan qaar kamid ah dadka kasoo barakacay dagaalka
Masaajida Ukraine waxaa ku sugan qaar kamid ah dadka kasoo barakacay dagaalka

Markii hore waxay gabaad ka dhigteen masaajid balse markii dambe waxaa u suurtagashay in ay meel kiraystaan., haatan waxay xusuusaneysaa sidii ay noloshu aheyd Ramadaankii hore.

“Qoyskeena oo idil waan wada soomi jirnay, waan wada tukan jirnay, waan wada af-furi jirnay, hadda qoysaskeenii way kala tageen oo dagaalka ayay ku barakaceen, qaarkood dalka ayay ka baxeen oo dalal kala duwan ayay joogaan, ma ahan jawi farxadeed,” ayay tiri Niyara.

Seygeeda wuxuu Imaam ka yahay guri loo baddalay masaajid, Chernivtsi waxaa saaran bandow habeenkii ah, taas oo macnaheedu yahay in seygeedu uu mararka qaar ku qasban yahay inuu ku laabto masaajidka haddii uu dib u dhaco.

“Waxaan la kulannaa xubnaha kale ee muslimiinta ah si aan u afurno, waan is caawinnaa, sidoo kale waxaan ka codsanaynaa dadka muslimiinta ah ee wax haysta inay raashin ugu deeqaan barakacayaasha.”

Gabaabsi ku yimid hilibka xalaasha ah

Maalin walba waxa ay gacan ka geysataa sidii ay cunto ugu diyaarin lahayd dadka barakacayaasha ah ee ku hoyda masjidka.

Gabaabsiga ku yimid hilibka xalaasha ah
Gabaabsiga ku yimid hilibka xalaasha ah

“Waxaan ku diyaarinaa suxuun la mid ah kuwii hore, laakiin halkan kuma haysanno hilib xalaal ah. Waxa jira noocyo digaag ah oo xalaal ah,” ayay tiri Niyara.

Waxay sheegtay in hay’adaha gargaarka Muslimiinta ee ka jira waddamo uu ka mid yahay Turkiga ay bixiyaan cunnada lagama maarmaanka ah, isla markaana ay Muslimiinta gudaha ay ka qeyb qaataan bixinta maacuunta loo baahan yahay in wax lagu karsado. Viktoria waxay isticmaashaa hilibka iyo kalluunka la geliyay qaboojiyaha si ay uga gudubto dhibaatada.

“Waxaan isku daynaa inaan bixinno cunno xalaal ah, laakiin hadda waxaa dhib nagu ah hilibka xalaasha ah oo yar, dadka muslimiinta ah ee ku sugan meelaha fog-fog ma helaan cunno xalaal ah oo la qaboojiyey.”

Ka hor inta uusan dagaalku bilaabmin waxay agaasime ka ahayd xarun ka shaqeysa bixinta shahaadada cuntooyinka xalaasha ah. Waxay rajaynaysaa in dhawaan wax laga qaban doono gabaabsiga cuntada xalaasha ah.

Dadaallada

Muslimiin badan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa kamid ciidamada Ukraine ee wado dagaalka ka dhanka Ruushka, Qaar ayaa ku biiray kooxo hubaysan oo mutadawiciin ah oo dhawaan la sameeyay.

“Qaraabadayda iyo saaxiibaday waxay la dagaalamayaan Ruushka,” ayaa tiri Viktoria.

Viktoria Nesterenko o l ajoogta ciidamo hubeysan
Viktoria Nesterenko o l ajoogta ciidamo hubeysan

“Waxaan ka qeyb qaadanaaya howlaha gargaarka, waxaan ka caawinnaa daad-gureynta dadka, waxaan u ururinnaa dhaqaale, waxaanan u soo iibinaa saanad milateri askarteena.”

Masjidka ugu weyn ee Kyiv ayaa waxaa ku tukadaa dad yar marka loo barbardhigo maalmihii hore ka dagaalka, arrintaas oo xanuun ku reebtay Viktoria.

Waxay rumeysan tahay in muslimiin badan ay weli ku sugan yihiin magaalada balse ay ku howlan yihiin ka shaqeynta adeegyada aasaasiga ah ama ciidamo hubeysan ay masaajidka ku tukadaan.

Imitixaan ku aadan caqiidadeyda

Niyara waxay rajaynaysaa in caqiidaeedu ay ka caawin doonto sidii ay ugu gudbi laheyd dhibaatada.

Dad ku tukunaya masaajid
Dad ku tukunaya masaajid

“Caqiidadaydu aad bay muhiim u tahay wakhtigan adag, waxa ay i siisaa taageero, waxa ay i siinaysaa jawaabaha aan u baahanahay, waxaad fahantay in dagaalku yahay imtixaan.”

Laakin Niyara waxay aaminsan tahay in Illaahey uu ka samatabixin doono dhibaatadan.

“Waxaan ku duceysaneynaa sidii aan nabadda u heli laheyn” ayay tiri Niyara.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this