Sign in to follow this  
Deeq A.

Janan cusub oo loo magacaabay duullaanka Ruushka ee Ukraine+Taariikhdiisa dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Janan cusub oo loo magacaabay duullaanka Ruushka ee Ukraine+Taariikhdiisa dagaal

Gen Alexander Dvornikov
Jen. Alexander Dvornikov

Mas’uuliyiin reer Galbeed ah ayaa xaqiijiyay in Ruushka uu isbedal ku sameeyay taliska duullaankiisa Ukraine, iyadoo uu hoggaanka la wareegay janan cusub oo khibrad u leh dagaal gelinta, kana soo shaqeeyay Suuriya.

Jenaraalka ayaa magaciisa lagu sheegay Alexander Dvornikov, waana taliyaha aagga Koonfureed ee Ruushka.

Magacaabista janankan ayaa looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo isku xirka ciidamada kala duwan ee qeybta ka ah duullaanka, iyagoo markii hore hoos tegi jiray abaanduulayaal kala duwan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Ruushka ayaa 44 maalin kadib weli gaari la’ yoolkiisa ahaa inuu gacanta ku dhigo Ukraine, gaar ahaan caasimadda Kyiv.

Waxa uu hadda xoogga saarayaa gobolka bari ee Donbas, halkaas oo xukuumadda Kyiv ay sheegtay inuu ka geysan rabo tacaddiyo ballaaran.

Sababta ugu weyn ee ay u dhaqaaqi waayeen ciidamada Ruushka ayaa lagu sheegay in xooggaga Ukraine ay isu qeybiyeen kooxo tiro yar, oo weerarro gaadmo ah ku ekeeya ciidanka soo duulay.

Saadaasha dalalka Galbeedka ayaa ah in Ruushka uu sii xoojin doono duullaankiisa ka hor 9-ka May oo ah marka dalkaas laga xuso guushii uu ka gaaray dagaalkii labaad ee dunida.

Waa kuma Jen. Alexander Dvornikov?

Waa rug cadaa milateri oo darajooyin kala duwan ka soo qabtay ciidamada Ruushka tan iyo sagaashameeyadii. Waxa uu hogaamiyay qeybta lixaad ee ciidamada lugta, qeybta 10-aad ee ciidamada taangiyada iyo weliba qeybta labaad ee ciidamada lugta.

Waxa uu mar noqday taliye kuxigeenka ciidamada Ruushka.

December 2012 ayaa loo dalacsiiyay sarreeye guud, halka September 2015 uu noqday taliyihii u horreeyay ee ciidamada Ruushka kaga sugan Suuriya. March 2016 ayaa la guddoonsiiyay billada geesinimada ee ugu saraysa Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa rumaysan in janankan khibrada badan uu wax ka bedali doono duullaanka Ukraine oo ilaa haatan u muuqda mid aan laga gaarin ujeedadii ay ka lahayd xukuumadda Moscow.

Afhayeenka Putin ayaa maalin ka hor sheegay in askar looga laayay duullaanka, taasina ay xanuun ku tahay.

Khubarada milateri ayaa ka digaya in dagaalka Ukraine uu daba dheeraan karo, xilli Ruushka uu doonayo inuu si buuxda gacanta ugu dhigo bariga dalkaas.

Ukraine ayaa horay u sheegtay in Ruushka ay jenaraalo ciidan kaga dishay dagaalka. Waxaa kamid ah:

Sarreeye Gaas, Oleg Mityaev

Ukraine ayaa sheegtay in lagu dilay meel u dhaw magaalada Mariupol ee koonfur bari dalkaas, taasoo ay ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay.

Xooggaga Azov oo ah dagaalyahanno xagjir ah, isla markaana taabacsan ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay dileen jananka.

Waxa uu hogaaminayay qeybta 150-aad ee ciidanka lugta, oo ah mid la asaasay sanadkii 2016, saldhigna ku leh gobolka Rostov ee u dhaw xuduudda Ruushka uu la leeyahay Ukraine.

Xukuumadda Kyiv ayaa ku doodaysa in ciidankaas loo sameeyay si ay u caawiyaan xooggaga gooni u goosadka ah ee ka dagaallama bariga Ukraine, inkastoo Ruushka uu beeniyay in ciidamadiisa ay ka garab dagaallameen jabhadaha.

Sarreeya Gaas Andrei Kolesnikov

Ukraine ayaa sheegtay in janankan oo hogaaminayay guutada 29-aad ee ciidamada isku dhafka ah la dilay 11-kii March.

Lama shaacin qaabka lagu dilay ama goobta uu ku dhintay.

Markii ay xukuumadda Kyiv shaacisay inuu yahay jenaraalkii saddexaad ee Ruushka looga dilay dagaalka, ayaa mid kamid ah mas’uuliyiinta reer galbeedka waxa uu sheegay inay tuhunsan yihiin in niyad jab haysta ciidamada iyo saraakiisha duullaanka ah ay sababtay in ay si taxadar la’aan ah u galaan furimaha dagaalka.

Sarreeya Gaas Vitaly Gerasimov

Jananka ayay Ukraine sheegtay inuu hogaaminayay guutada 41-aad ee ciidamada isku dhafka ah, isla markaana 7-dii March lagu dilay meel u dhaw magaalada Kharkiv ee bariga dalkaas.

Ciidamada Ruushka ayaa duqeyn iyo weerarro joogta ah ku hayay magaalada Kharkiv oo u dhaw xuduudda labada waddan.

Milateriga Ukraine ayaa shaaciyay cod ay sheegeen inuu yahay laba askari oo Ruush ah oo ka hadlaya dilka jananka, isla markaana ka cabanaya qalabkooda isgaarsiinta.

Gerasimov ayaa ka qeyb qaatay dagaalkii labaad ee uu Ruushka la galay Chechnya, hawlgalladii Suuriya iyo qabsashadii Crimea ee 2014.

Sarreeya Gaas Andrey Sukhovetsky

Waxa uu taliye kuxigeen u ahaa Gerasimov, 3-dii March ayaana la sheegay in meel fog laga toogtay. Si lamid ah jenaraal Gerasimov, janankan ayaa ka qeyb qaatay hawlgalladii Ruushka ee Suuriya iyo Crimea.

Geeridaas waxaa si weyn uga hadashay warbaahinta Ruushka, waxaana khudbaddiisa ku xusay Madaxweyne Vladimir Putin oo xaqiijiyay in Sukhovetsky uu ku dhintay dagaalka Ukraine

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this