Deeq A. Posted April 10, 2022 MAR BAAN IIMAANKAYGII IIBIN GAADHAY Waxaan tegey magaalo cusub oo lay Bedelay. Waxaan an soo raacay Bus yar oo dhawr qof saaran yihiin. Darewelkii ayaan kiradii u dhiibay , markaasu waxa uu in soo Celiyey lacag ka badan baaqigii ay ahayd in uu in soo celiyo. Markaan arkay ayaan is idhi ma celisaa mise, waad iska haysataa, aniguna waan iska locag la’aa. Jeebka ayaan ku ritay lacagtii. Kolkii aan Buska ka degaayey ayaan lacagtii soo saaray oo Derewelkii ku idhi : lacag badan baad ii soo celisay: markaasuu iigu jawaabay : waxaad tahay wadaadkii cusbaa ee magaalada dhawaan loo soo Bedelay. Waxaan ugu jawaabay : Haa Waxa uu igu yidhi: ogaan baan kuugu soo Celiyay lacag baaqigaagii ka badan oo waxaan eegaayay iimaan kaagu sida uu yahoo. Iminka waxaan ogaaday in aad tahay qof wanaagsan oo iimaan leh. Markaasaan ilaahay ugu mahad naqay iimaanka uu isiiyey, iyo garashada uu igaran siiyey. Markaa iimaanku waa wax aad u qaali ah. Haddii aad garanayso. Qoraa: Cali Maxamed Biixi Caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News Share this post Link to post Share on other sites