Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Rooble oo Midowga Musharaxiinta u sheegay arrin ka go’an inuu fuliyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen arrimaha dhammeystirka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Midowga Musharaxiinta warbixin ka siiyay halka ay marayso howsha doorashada, u diyaargarowga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada iyo dadaalladiisa ku aaddan xal u helista arrimaha harsan ee doorashada la xiriira.

“Waxa uu Ra’iisu Wasaaruhu adkeeyay in ay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta xildhibaannada loo dhaqan geliyo sidii ay u soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, isagoo sheegay in dhaarinta xildhibaannadu dhici doonto 14-ka April oo ah xilligii loo qorsheeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, Midowga Musharraxiinta ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u ballan qaaday inay garab ku siinayaan dadaallada lagu dhameystirayo doorashooyinka.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inuusan jirin xal aan ahayn in jadwalka doorashadu u dhaqan galo sidii guddigu doorashadu u soo saaray, 14-ka bishana la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee dalka, iyadoo lagu dhinac wadayo xal u helista arrimaha taagan.

Midowga Musharaxinta ayaa sidoo kale ku celiyay taageeradooda go’aankii XFS ay dalka kaga ceyrisay ergaygii Midowga Afrika Francisco Madiera oo faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyadda iyo howlihii uu u xilsaarnaa.

277671207_328981985997621_35679034781730 277777624_328982022664284_28893312969075 277784968_328981975997622_50263625376771

The post R/W Rooble oo Midowga Musharaxiinta u sheegay arrin ka go’an inuu fuliyo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this