Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo taageeray go’aankii Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Wararka PP) — Midowga Afrika ayaa taageeray go’aankii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed kaga horyimid erintii Wakiilka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Francisco Madeira. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa toddobaadkan soo saaray go’aanka uu Dajire Madeira ugu baaqay inuu Soomaaliya kaga baxo 48 saacadood gudahood.

“Waannu ka walaacsannahay warsaaxafadeedka ka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha kuna saabsan martabadda Wakiilka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Madeira. Sidaas darteed, waxaannu  ka mahadcelinayaa warqaddii ku taariikhaysnayd 7dii Abriil 2022 oo uu soo saaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed kagana xumaaday war saxaafadeedka kor ku xusan, isla markaasna ku muujiyay u hellanaanta la sii shaqaynta Danjire Madeira. Guddoomiyaha Midowga Afrika kalsooni buuxda ayuu ku qabaa hawsha Danjire Madeira” ayuu yiri Midowga Afrika.

IMG-20220409-WA0001.jpg?resize=1000%2C89Warqadda Midowga Afrika ku taageeray go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya.

© Puntland Post, 2022

The post Midowga Afrika oo taageeray go’aankii Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this