Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Xarbi Cali Oo Shaaciyay Sababta Uu U Dilay Xildhibaan  Sir David Amess Oo Ka Tirsanaa Baarlamaanka UK.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Cali Xarbi Cali oo ah Soomaali heysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigay sababta uu u dilay xildhibaan  Sir David Amess  oo ka tirsanaa Baarlamaanka UK.

Wiilkan 26 jirka ah ayaa sababta ku qaaday dilka xildhibaanka ku sheegay inuu ugu aargudo dhibaatada lagu hayo shacabka Suuriyaanka ah, isagoo tilmaamay in weerarkiisa ay farriin cabsi galina u tahay xildhibaanada isaga lamidka ah ee codkooda ku dhibaateeya dadka muslimiinta ah.

“Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn, isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go’aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,” ayuu yidhi Cali Xarbi.

Wiilkan oo uu dhalay siyaasiga Xarbi Cali Kulane oo mar soo noqday madaxii warfaafinta xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa xeer beegti kiiskiisa dhagaysanaysay ka hor sheegay in ku talla gal u dilay xildhibaanka.

“Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn, isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go’aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,” ayuu yidhi Cali Xarbi.

Sir David Amess oo laga soo doortay deegaanka Southend West ayaa toori lagu dilay 15-kii October 2021, Waana xildhibaankii labaad ee isagoo baarlamaanka ka tirsan la dilo shantii sanno ee lasoo dhaafay gudahood. Sannadkii 2016-kii ayaa la dilay Jo Cpx oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this