Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo lagu eedeeyay in uu gantaalo ku weeraray xarun Tareenada laga raaco

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk, halkaasi oo ay ku naf wayeen ugu yaraan 50 qof, halka ku dhaawacmeen  ku dhawaad 400 oo qof.

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine ayaa galay maalintii 45-aad, Iyadoo dalalka reer galbeedka ay sii wadaan inay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogaan Moscow, in kastoo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky  uu dib u cusbooneysiiyay dalabkiisa ku aaddan inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.

Guddoomiyaha guddiga Yurub Ursula von der Leyen iyo madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa tareen ku tagay magaalada  Kyiv si ay ula kulmaan madaxweynaha Ukraine, kaasi oo ay la qateen Kulan lagu falanqeeynaayay sidii loo sii kordhin lahaa cunaqabateynta ka dhanka ah dowladda Ruushka, si loogu cadaadiyo in ay dib ula noqdaan ciidamadooda.

Dhanka kale, Wakaaladda wararka ee Reuters  oo soo xiganeeysa Mas’uuliyiin sare ayaa sheegay in Pentagon-ka uu rumeysan yahay in ciidamada Ruushka ay adeegsadeen gantaal SS-21 Scarab ah.

PUNTLAND POST

The post Ruushka oo lagu eedeeyay in uu gantaalo ku weeraray xarun Tareenada laga raaco appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this