Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo hakisey xubintii Ruushka ee Xuquuqda Aadamaha

Recommended Posts

Deeq A.   
4-2.jpg?resize=1000%2C453&ssl=1

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay,  ayaa hakiyay xubinimada dawladda Ruushka ee maamulka Xuquuqda Aadamaha, kadib markii dalkaasi lagu eedeeyay xadgudubyada uu ka geysanayo dalka Ukraine.

93 waddan ayaa u codeeyey go’aankaasi, halka 24 dal ay diideen,waxaana  halka ay ka aamuseen  58 wadan,iyadoo meel matinta qaraarkaan loo baahan yahay labo meelood saddex.

Afartan iyo toddoba dal ayaa ku jira Golaha Xuquuqda Aadamaha oo xaruntiisu tahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,waxaana cod qarsoodi ah ku doorta Golaha Guud ee Qaramada M.

Ruushka waxa uu hadda ka mid yahay golahaas oo 3 sano oo kasta doorasho loo galo  ka mid noqoshada xubinimada  xuquuqda aadanaha ee golahaasi,waxaana Ruushka uu xilkaasi ka dhamaanayaa 31ka bisha December ee sanadka dambe ee 2023.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo hakisey xubintii Ruushka ee Xuquuqda Aadamaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this