Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi oo dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay gurmadka Suuqa Waaheen

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda sare ee dalka uga mahadceliyey garab istaaga ay u muujiyeen shacabka Somaliland ee ku hanti belay suuqa Waaheen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkaas ka sheegay kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag loogu tala-galay gurmadka Suuqii Waaheen.

 MadaxweyneFarmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu sheegay in ay khadka taleefanka uga tacsiyadeeyeen dhibaatadii gaartay Shacabka Somaliland oo hantidoodii ku waayey dabkii dhowaan qabsaday Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Federaalka dhaqaalo ay ku taageertay dadaalka lagu doonayo in dib u dhis loogu sameeyo suuqa magaalada Hargeysa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Biixi oo dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay gurmadka Suuqa Waaheen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this