Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawiye oo go’aan culus ka soo saaray Muqdisho kuna dhowaaqay in loo diyaar garoobo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Mogadishu Clan, kaas oo laga soo saaray ku dhawaad 10 qodob oo looga hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Ugu horeyn beelaha Mogadishu Clan ayaa bayaankaan ku cadeeyey inay taageero buuxda la garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagoo soo dhaweeyey go’aankii uu dalka uga ceyriyey Madaxii howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxgaradka beelaha Mogadishu Clan ayaa madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ku eedeeyey inuu bilaabay isku dirka beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Mogadishu Clan, Dir, Digil iyo Mirifle, isagoo ‘isku dhacooda ka dhex arkaya danihiisa siyaasadeed.’

“Beelaha Mogadishu Clan waxay go’aansadeen inay daafacaan doorashada dalka, hadii laga deyn waayo carqaladeynta joogtada ah,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah war-murtiyeedkii ay maanta saareen waxgaradka beelaha Mogadishu Clan.

Waxay cadeeyeen in aysan u sii dul qaada doonin in Farmaajo uu sharci darro Soomaaliya ku sii xukumo ama doorashada dalka ay asaga u afduubnaato.

Sidoo kale beelaha Mogadishu Clan ayaa ku goodiyey in wadashaqeynta kala dhaxeysa ay jooji doonaan hadii Midowga Afrika uu u hoggaansami waayo go’aankii uu ra’iisul wasaare Rooble dalka uga ceyriyey danjirahoodii Soomaaliya.

“Beelaha Mogadishu Clan waxay ugu baaqayaan ciidamada qalabka sida in aan loo adeegsan dhibaateyta shacabkooda, iyagoo fulinaya dano gaar ah oo ay leeyihiin madax mudo xileedkii ka dhamaaday,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale beelaha Mogadishu Clan waxay beesha caalamka ku taageereen go’aanada cunaqabateyna loogu soo rogayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee carqaladeynaya doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyntii go’aanka beesha:

“Beelaha Mogadishu Clan waxay go’aan ku gaareen oo ku wargelinayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, ciidamada, siyaasiyiinta, culumada, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada, inay u diyaar garoobaan difaaca dalka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaankii ay soo saareen waxgaradka beelaha Mogadishu Clan oo Muqdisho ku shiray.

Hoos ka daawo

The post Mogadishu Clan oo go’aan culus ka soo saaray Muqdisho kuna dhowaaqay in loo diyaar garoobo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this