Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo ku wajahan magaalada Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sida wararku sheegayaan ku wajahan magaalada Baydhaba ee xarunta KMG Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Aqalka sare ayaa lagu wadaa in uu tego Baydhaba, si xal looga gaaro khilaafka ka yimid doorashada iyo sidii tabashada Koofur Galbeed loo xalin lahaa.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka caraysan go’aanka guddiga doraashooyinka heer Federeel ee FEIT uu ku joojiyay kuraas laga soo doorto maamulkaas.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa kulan wada-tashi ah ugu yeeray xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo ku wajahan magaalada Baydhaba appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this