Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa dhici kara haddii Kenya sheegato lahaanshaha Jubaland?  

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Faallo PP) — Dowladda Kenya waxay ciidankeeda u soo dirtay Soomaaliya 2011. Xilligaas dowladdii ku meelgaarka ee madaxweyne Shariif Sheekh. Dowladdu kama hadlin farogelinta Kenya waayo Madaxweyne Mwai Kibaki wuxuu cuskanayay sababo isdifaacid — Soomaaliya ma laha dowlad ka hortagi karta in kooxo argagixiso loo aqoonsan yahay qabsasadaan magaalooyin kaddibna halis geliyaan dalalka deriska ah, ayay doodda Kibaki ahayd.

IMG-20220408-WA0000.jpg?resize=396%2C396Madaxweyne Shariif Axmed dowladdiidiisii muqaawada dhib uma arkayn farogelinta Kenya.

Waa dhibaatadii labaad ee dowladdii ku meelgaarka (2009- 2012) u geysatay danaha Soomaaliya ka sokow heshiiskii is-afgarad ay  dowladdii muqaawamadu ugu oggolaatay Kenya inay sheegato qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed. Xilligaas Al-shabaab ayaa gacanta ku haysay Kismaayo. Bishii Sebtember 2012kii ayay Kenya oo kaashanaysa xoogag Soomaaliyeed uu Axmed Madoobe madax u ahaa, qabsadeen Kismaayo. Isla mabda’ii isdifaacidda ayuu madaxweyne Kibaki cuskanayay. Dowladdii federaalka, oo markaas cusbayd, ma garanayn sida ay uga jawaabto ciidammada dal shisheeye oo deked Soomaaliyeed qabsaday.  Al-shabaab qudheedu waxay qabtay mabda’a in Soomaaliya uu iman karo qof kasta oo la mabda’a ah ururka, taas oo macnaheedu yahay Soomaaliya ma aha qaran, waa Khilaafad (Caliphate).  2009kii markii ay Al-shabaab iyo Xisbul Islaam isku dheceen, Axmed Madoobe ayaa u sheegay Laanta Codka Maraykanka in isku dhucu hakinayo dagaalka lagula jiro dowladda riddada ah.

IMG-20220408-WA0003.jpg?resize=1000%2C66Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hoggaaminayay kooxdii Raaskaambooni iyo ciidanka Kenya ayaa Kismaayo ka saaray Al-shabaab 2012kii.

Hadda Jubaland, maamulka uu Axmed Madoobe hoggaamiyo, wuxuu ku tiirsan yahay Kenya. In Kenya kaga awood-badan tahay Soomaaliya Jubaland ma aha eed Axmed Madoobe dusha laga wada saari karo. Fashilka hoggaamiyeyaasha heer qaran ayaa ka mas’uul ah taagdarrada dowladda Soomaaliya.

Dhufays siyaasadeeed

Jubaland hadda waa gobol si dadban u ah xeyndaab (buffer zone) ay dalkeeda kaga difaacdo halista kaga iman karta Al-shabaab. Kenya way ka horjeeddaa in Soomaaliya ka baxdo ku tiirsanaanta ciidanka nabad-ilaalinta Afrikaanka (ATMIS).  Halista nabadgelyo ee Al-shabaab ayaa saameyn ku leh sida Kenya u aragto geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya. Dal ciidammadiisu nabad-ilaalin ku jogaan dal kale wuu ka awood-badan yahay dalka nabad-ilaalinta laga wado, gaar ahaan haddii labada dal ay soohdin wadaagaan.

FB_IMG_16490719931693525-1.jpg?resize=71Madaxweyne Farmaajo xiriir wanaagsan lama laha maamulka Jubaland oo ku tiirsan Kenya.

Kenya waxay dhowaan la saxiixatay Biritayn heshiis difaac. Biritayn oo jaangoynta siyaasadda Soomaaliya gacanta ku haysa, dejisayna qorshaha ciidammo Afrikaan ah marba magac cusub Soomaaliya ku joogayaan kagana hantiyeysanayaan, waxay ku taageersan tahay Kenya siyaasadda ku haynta Soomaaliya xaaladda ay ku jirto.

20220408_150034.jpg?resize=422%2C1071&ss

Haddii Soomaalidu illowday taariikhdeeda siyaasadda, Kenya may illoobin dareenkii ka dhashay doonistii Soomaalida NFD inay Soomaaliya la midoobaan. Si Kenya arrintaas uga hortagto, una diiddo baaqii dowladdii madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan ee ahaa in doonista Soomaalida NFD la qaddariyo ayuu Tom Mboya, oo siyaasi Kenya u dhashay ahaa ku dooday in Kenya “leedahay Jubaland” — dhulka waagaas loo yiiqiin Bassa Juba (Jubada Hoose).  Sheekh Maxamuud Faarax, xoghayihii guud ee xisbigii SYL ayaa warqad bishii Oktoobar 1961kii ku qoray wargeyskii East African Standard. “Mowqifka dowladda Soomaaliya waa in dadka ku nool gobolka Waqooyi Bari ee Kenya uga taliyaan aayahooda si cabsi la’aan ah, si hanjabaad la’aan ah iyo si cabsi-gelin la’aan ah” ayuu Sheekh Maxamuud qoray.

Hayb beeleed ka sarreysa danta qaranka

61 sano ka hor Soomaaliya waxay u damqanaysay Soomaali ku nool dhul Biritayn ay ku dartay Kenya. Maanta Soomaaliya waxaa ka jirta dowlad ku salaysan habka 4.5 oo gebi ahaanba xaqa muwaadinka Soomaaliyeed ka hoosmarinaysa haybtiisa qabiil — inuu qofku reer hebel ka soo jeedo ayaa ka waxtar-badan inuu Soomaali yahay. Muqdisho 1961kii waxay ahayd magaalo Soomaali wadaagto, maanta waxay la mid tahay magaalooyinkii beeluhu si gaar u deggenaayeen, waana wax ka soo jeeda boobkii iyo barakicintii Muqdisho ka dhacday sagaashameeyadii.

20220408_150258.jpg?resize=374%2C567&ssl

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed badankood wax macne ah ugama fadhido ilaalinta midnimada siyaadadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya xilli hab siyaasadeedka dunidu maanta isu beddelayo mid ku dhisan xoog baa xaq ah (might is right). Kenya afti ayay ka abaabuli kartaa Jubaland hadday doonto maaddaama ay ku dooddo in Jubada Hoose hore uga tirsanayd dhulkii Imbaradooriyaddii Biritayn xukumi jirtay intuusan Talyaaniga la wareegin.

IMG-20220408-WA0006.jpg?resize=396%2C615Tom Mboya wuxuu ahaa siyaasi caan ahaa oo 1969kii lagu dilay Nayroobi.

Sida uu dhowaan qoray Warsidaha Indian Ocean Newsletter, Jubaland waa arrin dhuleed oo saameyn ku leh doorashada Soomaaliya iyo tan Kenya.  Jubaland Waa dhul Soomaaliyeed oo hadda aan Kenya loo gacan-dhaafi karin laga soo billaabo 2011kii. Inay sheegato Jubaland waxba kuma ah Kenya hase ahaatee waxaa kaga sii weyn dhowrista awooddeeda ay Soomaaliya cagta hoosteeda ugu siin hayn karto iyadoo hiil iyo hoo ka helaysa siyaasiyiin iyo danley Soomaaliyeed oo qaarkood dano ganacsi ku leeyihiin Nayroobi.

© Puntland Post, 2022

The post Maxaa dhici kara haddii Kenya sheegato lahaanshaha Jubaland?   appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this