Deeq A. Posted April 8, 2022 Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil saakay nin shacab ah loogu gaystay gudaha magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana wararku ay sheegayaan inuu ahaa dawal gadiidka Khaadka qaada. Marxuumka ayaa waxaa dilay nin hubaysay, kadib markii uu muran dhex maray labadooda, taas oo keentay in markii dambe ninku uu xabad ku furo, waxaana lagu magacaabi jiray marxuumka dhintay Fahada Farabadane. Waxaa uu ahaa darawalka baabuurta khaadka qaada, waxaana uu ka baxay magaalada Cabduwaaq isaga oo ku sii jeeday magaalada Gurceel isla gobolka Galgaduud, waxaana uu siday khaad uu ka aaday degmada Cabdudwaaq. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites