Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo markii ugu horraysay qirtay khasaare culus oo kasoo gaadhay dagaalka Yukrayn.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Ruushka ayaa markii ugu horaysay qirtay in ciidamo badan lagaga laayay gudaha Yukrayn iyadoo mashaqada gaadhay ay culustahay.

Afhayeenka aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka ayaa u sheegay warbaahinta in khasaaraha ciidamadooda gaadhay uu badan yahay.

D mitry Peskov wuxuu intaa ku daray in aanay ka daalahayn hadafka ay ka lahaayeen dagaalka Yukrayn, maalmaha soo socdana ay gaadhi doonaan.

Dawladda Yukrayn waxay iyadu ku warantay in askar gaadhaysa 19,000 oo askari lagaga dilay Ruushka gudaha Yukrayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this