Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Tel Aviv ee Israel

Recommended Posts

Deeq A.   
ad4885c4-29b0-49d6-a98f-23c0d2972d0a_16x

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin aan heybtiisa weli la shaacin uu Khamiistii rasaas ku furay baar ku yaal bartamaha magaalada Tel Aviv ee Israel.

Lix qof oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ayaa loo qaaday isbitaalka, sida ay sheegtay waaxda adeegga ambalaasta ee Magen David Adom, taas oo sidoo kale sheegtay inay soo gaareen warbixinno la xiriira in weerarradu ay ka dhaceen dhowr meelo oo faras-magaalaha ah.

Muuqaallo toos ah oo laga soo duubay weerarka kadib ayaa muujinayay ciidamo boolis ah oo goobta gaaray oo qoryahooda ku fiiqaya dabaqyada sare ee dhismeyaasha, waxaana boolisku sheegay in shakigu yahay in hal qof uu geystay weerarkan, haatanna uu baxsad yahay.

Saacado ka dib weerarkan, boqollaal ka tirsan ciidamada booliska Israa’iil iyo ciidamada gaarka ah ayaa baarayay xaafadaha bartamaha Tel Aviv, si ay u soo qabtaan ninka looga shakisan yahay toogashadan.

PUNTLAND POST

The post Weerar khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Tel Aviv ee Israel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this