Sign in to follow this  
Deeq A.

Vladimir Dzhabarov ” Finland Qabuuro ayaan ka dhigaynaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Vladimir Dzhabarov oo ka tirsan Aqalka Sare ee Ruushka ayaa sheegay inay dalka Findland Qabuuro u bedeli doonaan,wuxuuna yiri sidan.

“Maanta Dunida waxba laysuma qariyo,Ruushkuna Xiligan ma Kaftamayo,wax dambe oo khalad ahna indhaha kama qarsan doono,fariinta ugu dambaysa ee aan finland u dirayo waxa weeye ,ogaada Haddii aad NATO ku biirtaan waxaad jarateen tikitkii burburka.

.Haddii Madaxda Finland ay u jihaystaan dhinaca Nato, wuxuu noqon doonaa khalad istaraatiji ah oo ay weligood ka shalayn doonaan,waxayna Finland nagala kulmaysaa cawaaqib halis ah haddii ay ku biirto NATO, waxaana ka dhiganayaan bartilmaameed sharci ah dhulka ayaana la simi doonaa.

Finland mudooyinkan dambe waxay ku horumartay xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee ay Ruushka la leedahay,Lknse hadaad Nato xageeda aadaan waxaan idiin balanqaadaynaa inaad Subax kusoo baraarugi doontaan ,daaraha dhaaheer ee Findland oo aan ka dhignay Qubuuro ,Cid aan hubo Beri in aanay idin difaaci doonin yaanay Jihada idinka lumin”

PUNTLAND POST

The post Vladimir Dzhabarov ” Finland Qabuuro ayaan ka dhigaynaa” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this