Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Yemen oo iska wareejiyay awoodaha isagoo xilka ka qaaday ku-xigeenkiisii.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Yemen wuxuu iska wareejiyay dhammaan awoodaha madaxweyne ee uu lahaa.

Abdrabbuh Mansur Hadi wuxuu sidoo kale xilka ka qaaday ku xigeenkiisii dawladda ay dunidu aqoonsan tahay ee dalka Yemen, balse firxadka ah ee Sucuudiga ay madaxdeedu badi ku sugan yihiin.

Madaxweynaha Yemen wuxuu awoodaha ku wareejiyay Golaha Madaxtinimada Ee Yemen oo uu sheegay in ay qaban doonaan waajibkiisii iyo sidoo kale waajibka ku xigeenkiisii. Waxaana sabab looga dhigay si nabad looga abuuro Yemen.

Boqortooyada Sucuudigu waxay ku baaqday wada hadal ay iskugu yimaadaan Xuutiyiinta iyo dawladdu iyadoo ku dhawaaqday balaayiin doollar oo deeq toos ah oo ay siinayso dalka ay colaaduhu baabi’iyen ee Yemen.

Tallaabadan cusub ee madaxweynaha Yemen uu qaaday ayay dadka la socda arimaha Yemen ku sifeeyeen mid dhabaha u xaadhi karta nabad ka dhalata Yemen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this