Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari looga shakiyay inuu qarax sido oo gudaha u galay Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –War goor dhow naga soo gaaray xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in gaari uu watay wiil la dhashay marwada koowaad Seynab Macallin looga shakiyay inuu qarax sido.

Gaarigaan oo markii uu gelayay iridka Villa Somalia, gaar ahaan kontoroolka koowaad waxaa ku qeyliyay oo ka shakiyay eeygii baarayay oo ka cararay, sidoo kale waxaa ka cararay eey labaad, waxaana meesha ka dhashay cabsi iyo tuhun xoogan oo galay ilaalada madaxtooyada oo isugu jiray Soomaali iyo AMISON.

Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamada miino baarista, kuwaasi oo ku guuleystay inay xaqiiqda ogaadaan.

Ciidamada miino baarista ayaa sheegay in wax qarax ah uusan saarneyn gaariga balse waxa eyga uu ka shakiyay ay tahay lugta baabuurka oo soo maray meel baaruud leh, sidaasina uu u bixiyay digniinta.

Guud ahaan waxaa la fasaxay isu socodka oo horay loo joojiyay in dhaq dhaqaaqa Villada Somalia.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegantay xili feejignaan sare ay ka jirto gudaha Villa Somalia, markii NISA ay ka digtay weeraro kusoo fool leh Farmaajo iyo Rooble oo la doonayo in lagu dilo, balse mucaaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa dignaantaasi u aragtay in ay tahay mid ku socotay Rooble.

The post Gaari looga shakiyay inuu qarax sido oo gudaha u galay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this