Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo dalka caydhiyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Franciso Madeira

Recommended Posts

Deeq A.   
17DA3201-29CA-4D70-8A09-25174BB7577C_w10

MUQDISHO – Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dalka laga cayriyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Franciso Madeira, iyada oo loo qabtay inuu dalka kaga baxo 48 saacadood gudahood.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, waxaana qoraalka xafiiska Ra’iisal Wasaaraha kasoo baxay sidoo kale lagu sheegay in wakiilka Midowga Afrika uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa, iyada oo Ra’iisal Wasaare Rooble uu ka codsaday ururka Midowga Afrika inay dib ugu yeeraan Ambassador Francisco Madeira.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan hawlgalka cusub ee Midowga Africa ee ATMIS isla markaana ay sugayaan inay la shaqeeyaan madaxa cusub ee hawlgalkan.

06b60000-0aff-0242-244b-08da1821ccbd_w65

Madeira oo u dhashay dalka Mozambique ayaa loo magacaabay xafiiska bishii Oktoobar ee sannadkii 2015.

Waa sarkaalkii labaad ee ka tirsan Midowga Afrika ee ay dawladda Soomaaliya dalka ka caydhiso, iyada oo ay ahayd bishii November ee 2021 markii dalka laga eryey ku-xigeenkii ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika Simon Mulongo.

Sidoo kale Bishii January ee sannadkii 2019, waxaa dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom uu yahay shakhsi aan Soomaaliya laga rabin iyagoo ku eedeeyey inuu “ku xad-gudbay hab maamuuska” iyo faragelinta arrimaha Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this