Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Dhabancad oo la shiray dalalka Puntland ka taageera Dimuqraadiyeynta

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1649261418348.jpg?resize=720%2C48

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa maantay khadka zoomka shir kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Dalalka caawiya barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland oo ay kamid yihiin Sweden, Switzerland, Norway, Denmark iyo Santuukha Xasilinta Soomaaliya ee SSF.

Shirka ayaa looga hadlay barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland, dhammeystirka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl iyo sii wadista qorshaha hirgelinta doorashooyinka hal cod iyo hal qof ee Degmooyinka dhiman.

Wasiirka ayaa masuuliyiinta ka socday wadama taageera barnaamijka la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland iyo Shacabkaba dhammeystirka hirgelinta hannaan dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Dhabancad oo la shiray dalalka Puntland ka taageera Dimuqraadiyeynta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this