Sign in to follow this  
Deeq A.

Hishabeelle oo Shaacisay Jadwalka Doorashada Kuraas Golaha Shacabka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta shaaciyay jadwalka 3 kursi, oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas oo doorashadoodu tahay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana tirsigoodu yahay HOP#106 ,HOP#024 iyo HOP#140.

Doorashada kuraastaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhacdo 9-ka bishaan April, waxaa ay qayb ka  yihiin 7kursi oo ku haray magaalada Jowhar, kuwaas oo aan wali la dooran, waxaana lagu wadaa in la doorto ka hor inta aan la gaarin maalinta loo asteeyay dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee lasoo doortay.

 

No photo description available.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this