Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Baaq Caalami U Diray Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray baaq caalami ah oo uu ku saxeexan yahay looguna talo-galay in taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee dhawaan baabi’isay suuqa weyn ee Waaheen, baaqaas oo ku socda beesha caalamka, kuna lifaaqan tahay warbixinta hordhaca ah ee ay soo saareen guddida taakulaynta heer qaran ee dadkii ku waxyeelloobay suuqa Waaheen.

Suuqan Waaheen ee ay dhawaan ka qaraxday Masiibadii dabku ayaa lagu qiimeeyay inuu yahay mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan Somaliland, isla markaana xuddun u ahaa dhammaan wax kala beddelashada lacagaha qalaad ama ganacsi ee u adeegi jiray guud ahaan dalka Somaliland iyo inta badan dalalka jaarka.

Halkan Ka Akhriso Sida Uu U dhigan Yahay Baaqaasi iyo nuxurka uu xambaarsan yahay:-

1111111111111-730x1024.jpg 33333333.jpg 4444444444444.jpg 666666666666.jpg

2222222222222222-1-730x1024.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this