Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha degaanka Ufayn oo guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen doortay

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhega-bir.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Waxaa maanta ka dhacdey magaalada Ufeyn ee gobolk Bari doorashadii golaha degaanka ee sanadkii hore ururada Siyaasaddu ku tartameen, taas oo aad uga dib dhacdey in xiligeedi la qabto.

Golaha Deegaanka ayaa ka koobnaa 27 Xildhibaan ururada SINCAD iyo Mideeye oo samaystey Isbahaysi ayaa ku heshiiyey in SINCAd qadato Guddoomiyaha halka Mideeye qaatey ku xigeenka.

Doorashada ayaa martey hal wareeg oo keliya waxaana u taagnaa.

Axmed Abshir Siciid oo ka socdey ururka SINCAD iyo Axmed Maxamed Maxamuud oo ka socdey ururka muxaafidka ah ee KAAH.

Axmed Abshir Siciid ayaa ku guuleystey 14 cod, halka Axmed Maxamed uu helay 13 cod, ma jirin wax cod ah oo xumaadey.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ufayn ayaa sidoo kale waxa ku guulaystay Mahad Cabdi Xasan oo Mideeye ka tirsan isagoo heley 15 cod halka Maxamuud Bidde oo ka tirsan SINCAD uu helay 12 cod.

PUNTLAND POST

The post Golaha degaanka Ufayn oo guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen doortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this