Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Villa Somalia oo raba in kursiga gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka loo xiro Sacdiya Salaad

Recommended Posts

Deeq A.   
Sacdiya-Salaad.jpg?resize=1000%2C563&ssl

Dhinacyada mucaaradsan Villa Somalia oo ay hoggaaminayaan midowga Musharrixiinta islamarkaana taageero ka helaya Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa doonaya in kursiga guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Shacabka loo xiro xildhibaan Sacdiya Salaad.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dhinacyada mucaaradku ay ku mideysan yihiin musharrax guddoomiye ku xigeen Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar (Sacdiya Salaad) halka liiska xildhibaannada laga reebay Fahad Yaasiin oo si weyn u raadinaya kursigaas.

Mucaaradka Villa Somalia oo kaashanaya Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale doonaya in kursiga guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka loo sharraxo dad kala duwan oo malxiisyo u noqda Sacdiya Salaad.

Waxa xusid mudan in ay jiraan musharrixiin kale oo si dhab ah u raadinaya kursiga guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka balse lama oga sida lagu qancin doono dadkaas.

PUNTLAND POST

The post Mucaaradka Villa Somalia oo raba in kursiga gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka loo xiro Sacdiya Salaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this