Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex hoogaamiye oo Soomaaliya oo hore uga badbaaday Dilal

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddex hoogaamiye oo Soomaaliya oo hore uga badbaaday Dilal

Sawirka qarax horey uga dhacay Muqdisho
Sawirka qarax horey uga dhacay Muqdisho

Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay halis ugu jiraan shirqool uu maleegay ururka Al-Shabaab.

Hay’adda oo xilli saq dhexe ah soo dhigtay farriintaas baraheeda bulshada ayaa sheegtay in nin lagu magacaabo Maxamed Mahir uu shirqoolkaas maleegayo, isla markaana ay ku raad joogto. Ma aysan bixin faahfaahin intaa ka dheer.

Ma aha markii ugu horreysay ee gudaha Soomaaliya lagu beegsado madaxda qaranka. Waxaan qormadan ku eegi doonnaa saddex hogaamiye oo horay uga badbaaday dil loo maleegay.

Cabdullahi Yuusuf
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum Cabdullahi Yuusuf

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaali, Cabdullahi Yuusuf Axmed, ayaa 17-kii September 2006 waxa uu ka badbaaday qarax lagu dili rabay oo ka dhacay afaafka hore ee xaruntii baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.

Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee uu Cabdullahi hogaaminayay ayaa xilligaas fadhiday Baydhabo, maadaama caasimadda Muqdisho ay gacanta ugu jirtay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga.

Weerarkaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxaa ku dhintay nin la dhashay Cabdullahi Yuusuf iyo afar kamid ahayd ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha.

Dad goobjoog ahaa ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee uu ku badbaaday Cabdullahi ay ahayd inuu saarnaa gaari ka duwan kii lagu bartay ee bartilmaameedka u ahaa kooxda weerarka fulisay.

Tacshiirad xigtay weerarka ayaa waxaa lagu dilay lix nin oo qeyb ka ahayd qorshaha lagu khaarajin rabay Madaxweyne Cabdullahi.

Weerarkaas ayaa lagu eedeeyay Midowgii Maxaakiimta oo xilligaas gacanta ku hayay Muqdisho iyo deegaanno kamid ah Koonfurta Soomaaliya, isla markaana si weyn u diidanaa xukuumadda kumeelgaarka ahayd ee fadhiday Baydhabo.

Xasan Sheekh
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh

12-kii September 2012, xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulan kula lahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Kenya, Sam Ongeri huteelka Jazeera, ayaa waxaa dhacay qaraxyo ismiidaamin ah, kadibna rag hubaysan ayaa isku dayay inay gudaha u galaan dhismaha huteelka.

Madaxweynaha oo laba maalin ka hor uun ku guulaystay doorashada madaxtinnimada ayaa wufuud kala duwan ku qaabilayay huteelka Jazeera oo markaa xarun u ahayd. Ma jirin cid ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda oo lagu dilay qaraxyadaas iyo weerarka xigay.

Xilliga uu weerarka dhacayay, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u warramayay qaar kamid ah warbaahinta caalamka, waxaana uu si degan ugu sheegay in weerarrada noocaas ah ay caadi ka noqdeen Muqdisho, balse uu ku dedaali doono xoojinta amniga. “Mudnaanta koobaad, tan labaad iyo tan saddexaad waxaan siin doonnaa sugidda amniga,” ayuu xilligaas yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiweli Gaas
Cabdiweli Gaas, ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Cali Gaas

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa 4-tii April 2012 waxa uu ka badbaaday qarax ka dhacay gudaha tiyaatarka qaranka, xilli uu halkaa ka jeedinayay khudbad.

Munaasabada uu ka hadlayay ayaa lagu xusayay sanad-guuradii koobaad ee ka soo wareegtay dib u hawlgelinta telefishinka Qaranka (SNTV). Waxaa goobta ku dhintay in ka badan 10 qof.

Baaritaan ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday in qaraxaas oo uu sheegtay ururka Al-Shabaab ay fulisay qof dumar ah.

Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa kamid ahaa xildhibaan Mowliid Macaane Maxamud iyo Faysal Xaji Cilmi oo la-taliye u ahaa ra’iisal wasaare Cabdiweli Gaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this