Deeq A. Posted April 5, 2022 Yaa dhisey Suuqa Waaheen & Suuqyadda Hargaysa. Suuqa waaheen oo ku burburey dagaaladdii wadanka ka dhacey oo dunsanaa ilaa 1999 waxaa dhisey oo dib u furey maayarkii magaaladda Hargaysa ee waagaas cawl cilmi cabdale . Cawl cilmi oo ay is kaashanayaan gudidii bacadlayaasha ayaa dib u dhisey 340 gurri ee bacadlaha waaheen , ka dibna qaybiyey oo mid walba qofkii lahaa siiyey. Dhinaca kale maayar cawl cilmi cabdale alle ha u naxariistee isagaa dhisey suuqa gobanimo , magaca goboninamana isagaa bixiyay , isagoo sheegey in taallo astaan u ahayd xiriyadii 1960 ay goobtaas ku ooli jirtey . Dhinaca kale suuqyadda xaafadaha hargaisa sidda suuqa inji , qudhacdheer iyo sheekh nuur dawlada hoose ayuunbaa dhistey . Si kastaba ha ahaatee wasaaradda hawlaha guud waajibkeedu waa diyaarinta nashqadda guud ( master plan ) dawladda hoosena waa qorshaha magaaladda ( town plan ) sidaa darteed fulinta waxaa leh dawladda hoose , wasaaradda hawlaha guudna checking ayay leedahey , wax madmadowa oo doorka labadaas haayadood ku jiraana ma jirro waa laba haayadood oo is kaabaya isna dhamaystiraya , dadku buuqa ha iska daayeen soonkoodana ha ilaashadaan . Qaran News Share this post Link to post Share on other sites