Sign in to follow this  
Deeq A.

Qodobo ku adkaan doona Guddida Gacanta ku haysa Arrinta Suuqa Waaheen 

Recommended Posts

Deeq A.   
Qodobo ku adkaan doona Guddida Gacanta ku haysa Arrinta Suuqa Waaheen
 suuq.jpg
Maqnaanshaha qodobadani Gudida hawshaa gacanta ku haysa Khatar buu ku yahay waxaana adkaanaysa in si dhaba wax loo ogaado, waayo mid kastaa wax buu sheegan doonaa, qaarbaa xataa ilaawi doona xoolo hoodii.
Hantida Suuqa Waaheen ku gubatay maaha mid yar sida aan qiyaasi karana wey ka badan tahay 2 Bilyan oo dollar, taasi waa shaki la’aan waayo si fiican baan u aqaanaa Suuqa Waaheen waxa lagu iibiyo, noocyada ay kala yihiin, se wax kasta haddii la sameeyo si dhaba looma ogaanaayo khasaaraha dhabta ah taana waan hubaa sababtuna waa tan:
1- Ganacsatadu inta badan wey qariyaan hantidooda oo run kama sheegaan si aan loo ogaan wuxuu haysto.
2- Ganacsadu inta badan si dhaba uma cashuuraan hantidooda, wey ka been sheegaan Dukaan ku shaqaynaaya $400kun ayay ku sheegaan in uu ku shaqaynaayo $40kun.
3- Allaabtu hal meel kama soo degto, meelo badan bay ka soo degtaa, sida Djbuuti, Berbera, Cigal airport, Boosaaso. Sidaasi oo ay tahay lama ogaan karo qofkastaa waxa u timaada Allaabo.
4- Ma jiro nidaam Bangi oo ay wax ku soo iibsadaan ama lacaguhu dhexmaraan oo sugan, lacagaha wey kala diraan oo qaab koontarabaana ayay ilaa china oo suuqa ugu fog ah wax kaga soo iibsadaan. Sidaasi oo ay tahay lama yaqaan lacagaha ay wax ku soo gataan.
5- Waraaqaha runta ah “Invoice” ee ay wax ku soo iibsadaan wey qariyaan si aan loo ogaan: Lacagta uu wax ku soo iibsaday, Xadiga allaabta uubsito, noocyada ay kala yihiin, waana sanabta keentay in la baadho oo la furo Koontiinarada marka allaabaha la cashuuraayo ee waliba loo tiriyo. Waxaanay u yaqaanan sir warqadaasi Invoiceka ah.
6- Kala xadayn la’aanta ganacsiga oo ah mid maqan. Mana jiro Xeerkii kala xadaynta Ganacsigu sidaasi oo ay tahay waxaad arkaysaa qof keena ama suuqa ku leh 5 meheradood oo kala duwan iyo Shan calaamadood oo kala duwan iyo Shan magac oo kala duwan. Micnihii qofka lacag haystaa wuxuu doonuu keenayaa ee uu isleeyahay waa lagaa iibsanayaa.
7- Sakada. Ma jiro nidaam sugan oo tixraac leh oo xoolaha lagu sakeeyo, iyo sida loo bixiyo toona, sheekh uun baa la weydiiyaa oo la yidhaa “Shiikh xoolo intaas baan haystaaya maxaa Sako ka baxaaya” wixii uu sheekhu u sheego aynuunbuu bixiyaa waliba qaarkood badh la hadhaan, midna ogow oo waxa laga yaabaa xataa xoolaha uu haysto in aanu sheekhaa u wada sheegin.
Dhamaan qodobadaasi oo ganacsatadu ku dhaqmaan waxa ay u yaqaanaan sir Ganacsi se xogtooda in ay ku lumayso ma fahamsana.
Maqnaanshaha qodobadani Gudida hawshaa gacanta ku haysa Khatar buu ku yahay waxaana adkaanaysa in si dhaba wax loo ogaado, waayo mid kastaa wax buu sheegan doonaa, qaarbaa xataa ilaawi doona xoolo hoodii.
noradin.png
Waxa qoray Nuradiin Diini

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this