Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda NISA oo ka digtay shirqool lagu dilayo Farmaajo iyo Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   
National_Intelligence_and_Security_Agenc

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa digniin ka bixisay shirqool sida ay sheegtay Al-shabaab la beegsan rabaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in Hay’addu la wadaagtay Madaxda Qaranka warbixin ku saabsan shirqool lagu beegsanayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Hay’adda NISA ayaa tilmaantay in Fulinta Shirqoolkaas loo xil-saaray Maxamed Maahir oo ka tirsan Saraakiisha Sare ee Al-Shabaab.

Hay’adda ayaa sidoo kale caddaysay in ay daba-gal ku hayso cid kasta oo ku lugleh shirqoolka Al-shabaab u maleegayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Halkaan ka akhriso Qoraalka

FB_IMG_1649124417130.jpg?resize=720%2C12

PUNTLAND POST

The post Hay’adda NISA oo ka digtay shirqool lagu dilayo Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this