Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: NISA oo ka digtay shirqool lagu dili rabo Farmaajo iyo Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)– Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka NISA ayaa digniin ay goor dhow soo saartay ku shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay qorsheysay shirqool lagu dili rabo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitterka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay maleegayaan qorshe ay ku beegsanayaan Farmaajo iyo Rooble, waxayna magacaabeen in qorshahaasi inuu hormuud u yahay horjooge ay ku magacaabeen Maxamed Mahir oo ka tirsan Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegtay inay ku daba joogto Maxamed Mahir iyo cid kasta oo qorshahaasi wada, isla markaasna ay gacanta kusoo dhigi doonaan.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Somalia iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Warkaani kasoo baxay NISA lama oga xaqiiqdiisa iyo in xaalad hor leh lagu abuurayo.NISA.jpg?resize=696%2C1162&ssl=1

The post DEG DEG: NISA oo ka digtay shirqool lagu dili rabo Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this