Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo walaac ka muujisay Tallaabadii uu qaaday Ra’iisul wasaare Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

“Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Maamulkaas.

Galmudug ayaa sidoo kale sheegtay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, islamarkaana go’aan kasta oo hal dhinac ah uu khatar galin karo wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.

“Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.”

“Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka” ayaa lagu geba-gabeeyay Qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo walaac ka muujisay Tallaabadii uu qaaday Ra’iisul wasaare Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this