Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay mowqifka Galmudug ee khilaafka doorashada?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1649124290000.jpg?resize=720%2C50

Galmudug ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hannaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

Galmudug waxay tilmaantay in go’aankasta oo hal dhinac ah uu khatar galin karo wadajirka hoggaanka Madasha Wadatishaga Qaranka, waxayna soo jeedisay in khilaafka doorashada lagu xaliyo Madasha.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri “Dowladda Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah”.

“Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka” ayaa lagu diray.

Qoraalka ayaa markale lagu yiri “Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran”.

“Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka” ayaa lagu doo gabagabeeyay.

PUNTLAND POST

The post Muxuu yahay mowqifka Galmudug ee khilaafka doorashada? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this