Sign in to follow this  
Deeq A.

Afur Sharafeed Iyo Soo Dhawayn Loo Sameeyay Waftigii DDS Ee Gurmadka ku yimi Hargeisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Afur Sharafeed Iyo Soo Dhawayn Loo Sameeyay Waftigii DDS Ee Gurmadka Hiil-Walaal.
Waxaa caawa hotelka jigjiga international ka qabsoontay munaasabad afur sharafeed ay soo agaasimeen dhalinyaro iskood isu abaabulay, kuwaas oo ku maamuusay waftigii hogaanka nabadgaliyada DDS Mudane Mubashir Dubad Rage, ee ka qayb galay gurmadka Hiil-Walaal.
Waftiga hogaanka oo ka koobnaa ciidanka dab-damiska deegaanka, maamulka magaalada Tog-wajaale, Komishinka Booliska DDS iyo masuuliyiin kale ayaa door wayn ka qaatay gurmadkii Hiil-Walaal ee lagu daminayay dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee caasimada Somaliland ee hargaysa.
Hogaanka nabadgaliyada DDS Mudane Mubashir Dubad Rage, ayaa shergay in shacabka iyo xukuumada DDS ay sii wadi doonaan garab istaaga walaalaha Somaliland ee masiibadu ku habsatay.
277677105_1112367806280187_5505118886233
277673174_1112367802946854_7670698707596
277730842_1112367839613517_2212034193570
277676953_1112367846280183_8034052919836
277583177_1112367876280180_8087534452744

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this