Sign in to follow this  
Deeq A.

Haddii Baarlamaanka Cusub Noqdo Sida Shirkii Jabuuti 1991kii

Recommended Posts

Deeq A.   

Go’aanka aan loo dhammeyn ee guddiga doorashooyinku ku diiwaangelinayo xildhibaannada mid lagu buuxsanayo kooram awood boobis ah. Kama duwanaan doono heshiiskii Jabuuti u abaabushay Soomaalida oo beelo badani ay Dibedda ka joogeen.

Sidee ku dhici kartaa in guddoomiyaha doorashooyinka heer federaal uu guddoomiyo hawsha isagoo og in Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland murrashax madaxweyne yahay? Waxay u eg tahay in la maleegay qorshe natiijadiisu tahay baarlamaan aan sharci ahayn oo ay Damuljadiid ama Aala Sheekh awoodda ku boobayaan. Si kale haddaan u dhigo waxaa muuqata in labada kooxoodba jilayaan siyaasaddii sagaashameeyadii iyagoo kala matalaya laba jabhadood. Waa yaab in murrashixiintu raalli uga noqdaan in diwaangelin aan la isku raacsanayn ay dhacdo. Ma dhici doonto in beelaha kale dusha ka daawadaan qowlaysato isu kaashanaysa inay ku adeegtaan dowladnimada Soomaaliya. Murrashaxa ka aamusay xadgudubka uu wado garab ka mid ah guddiga doorashooyinka Waa murrashax aan mudnayn codka xildhibaannada.

Laba Madaxweyne hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed waxaa u cad in si uun Villa Somalia ugu soo noqdaan. Soomaalida badankeed way ka sii fogaan doonaan u arkidda Muqdisho meel talo Soomaaliyeed lagu hayo. Waa in laga hortago in laba beelood uun ay isku koobaan talada. Waxa ka socda Muqdisho oo uu Ra’iisal Wasaare Rooble horboodayo kala furfuran hor leh oo aan laga soo kaban doonin baa ka dhalan doonta haddii aan la dabaqaban.

C.A. Isxaaq, Muqdisho

The post Haddii Baarlamaanka Cusub Noqdo Sida Shirkii Jabuuti 1991kii appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this