Deeq A. Posted April 3, 2022 Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa dadka reer Galmudug ugu baaqay inay bishan ka feejignaadaan weerarada maleeshiyada Al-Shabaab. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo xalay soo duubay muuqaal uu ugu talagalay bilashada bisha barakeysan ee Ramadan ayuu kula dardaarmay bulshada reer Galmudug. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa marka hore yiri “Dhammaanteenba waan inaan ka faa’iideysano bishan barakeysan, oo aan uga faa’iideysano Ilaahay daacadiis. Macaasida aan iska ilaalino, nafta aan xakamayno, wax kastoo soonka naga burinaayana aan ka dheeraano, wixii naga nusqaaminaya fadaa’ishiisana aan ka dheeraano.” Sheekh Maxamed Shaakir ayaa reer Galmudug ugu yeeray inay bishan feejignaan dheeri ah u yeeshaan Shabaabka, nooc kasta oo ay yihiin, sida uu yiri. “Meel kasta oo ay jooggaan shacabka Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgelyada, oo amniga ay ilaashadaan, iskana ilaaliyaan nimanka Khawaariijta ah ama ha wateen shaatigii ay wadan jireen ama ha wateen shaati dowladeed, nooc kasta ay yihiin ha iska ilaaliyeen,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir. Waxaa uu sheegay inay Shabaabku adeegsadaan xeelad walba oo lagama maarmaan ay u arkaan, si ay fuliyaan weerarada ay maleygayaan. “Way shaarar badan yihiin, hadba shaati bay gashanayaan, sidii howlahoodu ugu socon karaan ayay isku tax-luujinayaan inay ku socod siiyaan,” ayuu yiri Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Marka qof walba, haddii ay yihiin Culimada, ciidanka, masuuliyiinta sarsare, gabdhaha iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala gedisan, kuligood qolo walba inay xadaaradooda qaataan oo digtoonaadaan, maxaa yeelay digtoonida noocaasi waxay dhashaa hilmaam la’aan, inaadan is hilmaamin, inaadan is kala dhigan, inaanu cadowgu kaaga soo bixin adigoo hilmaamsan meel duleesho. Marka baaqaasi ayaan u dirayaa, waana ku sii adkaynayaa inay isku duubnidooda iyo midnimadooda ugu midoobaan Khawaariijta nooc walbaa ay yihiin.” Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa looga bartay in bisha Ramadan ay kordhiyaan weeraradooda. The post Sheekh Maxamed Shaakir oo soo saaray baaq xasaasi ah appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites