Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo armay in deg deg ah loo fasaxo lacag ku jirta xisaabta DFS oo loogu talogalay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1648995648389.jpg?resize=721%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland.

Lacagtan ayaa ah mid lagu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

Dhanka kale magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar, taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, halka 2 Milyan oo kale ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Lacagtan ayaa looga dhawaaqay kulan uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay ganaacsatada Soomaaliyeed oo looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii ku waxyeeloobay dabkii weynaa ee suuqa Hargeysa.

PUNTLAND POST

The post Rooble oo armay in deg deg ah loo fasaxo lacag ku jirta xisaabta DFS oo loogu talogalay Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this