Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Rooble oo amray in la fasaxo $11.7 milyan oo ku jirta qasnadda DF oo loogu talo-galay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, laguna wareejiyo Somaliland

Lacagtaas ayaa ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, oo ay haysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska Rooble. 

Waxaa lacagtaas lagu xoojin doonaa howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Xafiiska Rooble ma bixin faah-faahin ku saabsan sida lacagtaas ku timid iyo sababta markii hore loo hayey, hase yeeshee waa lacag wax weyn ka tari doonta gurmadka deg degga ah ee ay u baahan yihiin reer Somaliland.

Dabka ka kacay suuqa Waaheen ee Hargeysa ayaa la qiyaasayaa inuu dhaliyey khasaare hantiyeed oo u dhaxeeya 1.5 illaa 2 bilyan oo dollar, inkasta oo aan weli la shaacin khasaaraha rasmiga ah. 

The post DEG DEG: Rooble oo amray in la fasaxo $11.7 milyan oo ku jirta qasnadda DF oo loogu talo-galay Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this