Deeq A. Posted April 3, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maalintii labaad wada diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xubnaha xildhibaanada ah ee dhowaan la soo doortay, si loo sii amba qaado howlaha dhammeystirka doorashada dalka. Guddiga ayaa maanta shahaadada siiyey dhowr xildhibaan oo tegay xarunta guddiga FEIT ee ku dhex-taal garoonka Aadan Cadde. Xildhibaanadan ayaa waxaa ku jira xubno ka tirsan kuwii lagu soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo horey u qaadacday tallaabada guddiga doorashooyinka. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli muran uu ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada, kaas oo la xiriira shahaado siinta xildhibaanada dhowaan lasoo doortay. Dooda ayaa sii xoogeystay markii guddoomiyaha guddiga guddiga FEIT uu liiska la shaaciyey ka reebay kuraas uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin. Halkan hoose ka aqriso liiska:- 1. Salah Ahmed Jama AS#34 2. Guled Bihi Abdi GSH#255 3. Ahmed Osman Dirie GSH#233 4. Abdinur Ali Aden GSH#028 5. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107 6. Abas Ali Ibrahim GSH#111 7. Mohamed Abukar Ali GSH#025 8. Adar Hared Jibril GSH#132 9. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124 10. Bihi Iman Egeh GSH#237 11. Abdiqani Ismail Said GSH#241 12. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272 13. Adnan Osman Elmi GSH#236 14. Omar Yusuf Qaladid GSH#136 15. Ahmed Mohamud Jama GSH#029 16. Nasro Mahdi Arale GSH#023 17. Leylo Nur Maah AS#07 18. Sahra Jama Ali GSH#134 19. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127 20. Hassan Dahir Yarow AS#05 21. Zaynab Mohamed Amir GSH#267 22. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120 23. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118 24. Ilyas Badal Gabose AS#01 25. Mohamed Hassan Adam GSH#133 26. Hamza Abdi Barre GSH#203 27. Abdi Hashi Abdullahi AS#33 The post Magacyada xildhibaanada maanta shahaadada qaatay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites