Deeq A. Posted April 3, 2022 Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka xiray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah magaalada Muqdisho. Waddooyinka ay xireen Ciidamadu waxaa kamid ah inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka ilaa km4, Warshadda Caanaha ilaa Wadada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee wadada Warshadaha ilaa Isgoyska Ex-koontorool Afgooye. Ciidamada Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha loo xiray waddooyinka, waxaana la arkayay dadka Shacabka ah oo lugeynaya. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho oo saaka xiran appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites