Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku qabtay gaari qaraxyo siday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug ayaa sida wararku sheegayaan hawgal qorshaysan ku qabtay koox ka tirsan Al-shabaab oo watay gaari qaraxyo siday.

Hawlgalkaa ayaa la sheegay in uu ka dhacay degaanka Cadalle oo ka tirsan Koonurta Gobolka Mudug halkaas oo lagu qabtay gaariga qaraxyada siday iyo raggii watay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in qaraxyadaas la gelin lahaa wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo balse ciidanku ka war helay oo fashiliyay.

Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Galmudug oo is kaashanaya ayaa weli hawlgalo ka wada degaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Kumaandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku qabtay gaari qaraxyo siday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this