Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Prof. Xasan Sheekh oo sharxay cida maamusha Gedo, kuna taliyey hal arrin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Professor Xasan Sheekh oo ka mid ah aqoonyahanada sida weyn uga faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa tusaaleyn ka bixiyey cidda heysata oo maamusha gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Garbahaarey oo ay taallo doorashada 16-ka kursi ee gobolkaas.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Gedo ay haysato koox hubeysan oo sharciga ka baxsan, cid magacowdayna aysan jirin, kuwaas oo sida uu sheegay dadka ugu hanjabaya in ay dilayaan.

Wuxuu sheegay in Garbahaarey aysan jirin cid Soomaali ah oo tegi karta, kuna dhiira karta inay ku qabato doorasho xalaal ah, isagoo ku taliyey in magaaladaas laga wareejiyo doorashada 16-ka kursi ee reer Gedo ay ku leeyihiin golaha shacabka.

“Si walaalaha Soomaaliyeed ee reer Gedo aysan uga harin tartanka doorashada, waa inay helaan madax-banaani ay ku doortaan xubnahooda, waa inay doorashada maamulaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka, waa in doorashada lagu qabto meel aan aheyn Garbahaarey,” ayuu yiri.

Prof. Xasan Sheekh oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sababeeyey soo jeedintiisa ku aadan in doorashada laga wareejiyo magaalada Garbahaarey, isagoo sheegay in magaaladaas ay heystaan niman qanuunka ka baxsan.

“Nimanka hubeysan ee Garbahaarey jooga ee dadka Soomaaliyeed ee dowlad-dhisida u taagan ugu janjabaya in cidii Gedo ka soo degta ay masuuliyadda wixii ku dhaca ayadu qaadeyso, ma waxaa doortay dadka reer Gedo? waa maya, ma Jubbaland ayaa gobolkaas ka tirsan maamul u magacaabatay? Waa maya, ma wasaaradda arrimaha gudaha federaalkaa u ogolaatay inay Jubbaland ka baxaan reer Gedo? Waa maya, ma ninkii Xamar ka diraybaa warqad sharci ah u qoray oo ay Gedo ku maamuli karaan? Waa maya,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

 

The post Daawo: Prof. Xasan Sheekh oo sharxay cida maamusha Gedo, kuna taliyey hal arrin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this