Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Gaas ku tilmaamay hanjabaadaha BEESHA CAALAMKA ee Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, marna soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay doorka beesha caalamka ee khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo jeediyey in taageeradooda aan wax weyn laga soo qaadin.

Gaas ayaa ku dooday in beesha caalamka ay la soo taagan tahay hanjabaad aysan ka dhabeyneyn, taas oo madaxda Soomaaliya ay ugu caga jugleyso.

Cabdiweli Gaas oo la hadlay BBC ayaa la weydiiyey suurta galnimada in beesha caalamku ay tallaabo qaado hadii doorashada la carqaladeeyo ama lagu soo dhameystiri waayo waqtigii loo qorsheeyey, sida inay dhaqaalaha iyo taageeradooda kaleba ka jartaan Soomaaliya.

Wuxuuna ku jawaabay, “Horta beesha caalamka ee aan afka ku heyno mar kasta aan iska deyno sababtoo ah, howshaan Soomaali ayey u taalla cid kale oo wax ka qaban karta ma jirto, maalin kastana hanjabaado aan laga dhabeyn wax macnaa ma sameynayaan.”

Sidoo kale Gaas ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka u jooga Soomaaliya ay yihiin diblomaasiyiin doonaya in markasta ay dalalkooda u diraan war wanaagsan, isla markaana aysan jecleyn inay gudbiyaan war dhiilo leh.

“Waxay ila tahay beesha caalamka cadaadiskooda tallaabo la’aanta ah ayey iska wedi doonaan oo wax sidii hore ka duwan lama imaa doonaan, marka howshaan waxay u taallaa Soomaalida, marka nimanka dalka madaxda ka ah waxaan kula talinayaa inay doorashada dedejiyaan,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

The post Muxuu Gaas ku tilmaamay hanjabaadaha BEESHA CAALAMKA ee Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this