Deeq A. Posted April 2, 2022 Waxaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu doortay kuraas ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo tirsigoodu yahay HOP#019 iyo HOP# 059. Kursiga tirsigiisu yahay HOP#059 ayaa waxaa ku taratamay musharraxiinta kala ah 1. Mohamed Abdullahi Buraale (Raaxeeye) 2. Cabdullahi Cali Cilmi, waxaana kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Buraale (Raaxeeye), waxaana uu heay 66 cod, halka musharraxii la tartamayay Cabdullahi Cali Cilmi, uu helay 35 cod, waxaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad Samiira Xasan Cabdulle. Kursiga tirsigiisu yahay HOP# ayaa ku taratamay ilaa 5 musharrax, kuwaas oo kala 1. Abdirahman Elmi Siyaad 2. Faadumo Khaliif Guuleed 3. Mohamed Abdulkadir Mohamed 4. Ahmed Mohamed Ibrahim 5 Mohamed Mohamud Ali Waxaana kusoo baxay Mohamed Abdulkadir Mohamed oo helay 66 cod waxaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad Xildhibaanad Farxiya Muumin Cali. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites