Deeq A. Posted April 2, 2022 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaano la wadaagay Madaxweyne Muuse Biixi tiiraanyada iyo walaaceeca ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan. “Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa. Ugu dambeyna Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay inuu hanti ka khayr badan ugu baddalo ganacsatadii uu khasaaraha ka soo gaaray musiibadan. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Muuse Biixi oo wada hadlay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites