Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi oo La Kulmay Ganacsatada Waaweyne iyo Rugta Ganacsiga iyo $1,000’000 oo Xukuumaddu ku Deeqday

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan degdega isugu yeedhay ganacsatada waaweyn iyo rugta ganacsiga Somaliland  iyo xubnaha guddida heer qaran ee loo igmaday masiibada dabkii baaxadda lahaa ee xalay ka kacay suuqa weyn ee Waaheen oo baa’iyey intiisa badan suuqa, ganacsato badanna ay ku hanti beeshay
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray sidii ay ganacsatadu gacan uga geysan lahaayeen taakulaynta dhibaatada ka dhalatay dabkii baabi’iyey suuqa weyn ee Waaheen, waxaana kulanka kadib madaxweyne Biixi oo hadlay uu sheegay in xukuumaddiisu ay ku deeqayso lacag $1000’000′
“Maanta waxaynu gelaynaa gurmadkii, guddidaa la magacaabay ee Sheekhu hoggaaminayaa waxay gelaysaa gurmad aad ah, xukuumadduna waxay usoo daynaysaa $1,000’000 (Hal milyan) oo dollar, si ay ugu howlgasho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xili ka hadlaayey khasaaraha ka dhashay dabkii xalay ee Waaheen.
Dabka xalay fiidkii qabsaday suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ee Waaheen ayaa waxaa uu ahaa mid saameyn aad u xoogan gaarsiiyey meheradu badan oo ay lahaayeen ganacsato, waxaana uu socday waqti dheer isaga oo baxayey ilaa subaxnimadii saakay, waxaana ganastadu ay sheegeen in hanti badan ay ku baaba’day iyo dhisme.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this